Saturday, July 27, 2024

Maxaad kala socotaa tartanka koobka Qaramada Afrika ee bilaawday xalay

Abidjan (Dawan)-  Ivory Coast oo marti gelinaysa koobka qaramada Afrika 2023 ayaa guul ku billaawday tartanka kadib markii ay si fudud 2-0 uga badisay xulka Guinea Bissau.

Seko Fofana ayaa hogaanka u dhiibay Ivory Coast afar daqiiqo ka dib billaawgii ciyaarta, isagoo kubad xoogan ka soo tuuray xerada ganaaxa, taas oo dhaaftay goolhaye Obareni Djoko.

Jean-Philippe Krassso ayaa daqiiqadii 58-aad hogaanka usii dheereeyay xulka Ivory Coast kadib markii uu dhaliyay goolkii labaad.

Dalka Ivory Coast ayaa marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika markii labaad kadib 40 sano markii uu marti geliyay markii ugu horeysay 1984

Tartanka Koobka Afrika ayaa socon doona ilaa 11 bisha soo socota ee February, iyada oo 24-ka dal ee ka qeyb gelaya tartanka 34-aad ee koobka Qaramada loo qeybiyay lix Group.

Kulamada ciyaaraha koobkaan waxaa lagu qaban doonaa 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.

Lixda garoon ee lagu ciyaari doono kulamada ayaa kala ah Alassane Ouattara, Felix Houphouet-Boigny, Al Salam, Amadou John Coulibaly, Laurent Boco, iyo Charles Konan Bani.

Masar ayaa ugu hanasha badan koobka

Xulka qaranka Masar ayaa ah xulka ugu guulaha badan qaarada Afrika ee ku guulaysta koobka qaramada Afrika, wuxuuna koobka hantiyay 7 jeer oo ay ugu dambaysay sannadkii 2010. Faraaciinta ayaa rajaynaya in ay magdhaw ka bixiyaan guul-darradii ka soo gaartay koobkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Cameroon kadib markii uu xulka Senegal uga qaaday koobka rigoorayaal.

Cameroon ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee liiska xulalka ugu badan ee ku guulaystay koobka qaramada Afrika,waxayna ay ku guulaysteen 5 jeer, waxaa ku xiga Ghana oo 4 jeer qaaday koobka ,waxaana kusii xiga Nigeria oo haysata 3 koob.

Xulalka kala ah , Algeria, Ivory Coast, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay koobka ku guuleysteen min laba jeer.

Waxaa jira iyaguna dalal ku guuleystay koobka min hal jeer kuwaas oo kala ah Tunisia, Morocco, Sudan, Senegal, Ethiopia. , Zambia, Koonfur Afrika, iyo Congo-Brazzaville.

Waxaa la kordhiyay 40% lacagatii la siin jiray dalka ku guuleysta koobka, wuxuuna heli doona sannadkaan 7 malyan oo dollar halka waddanka gala kaalinta labaad uu heli doono 4 malyan oo dollaar.

Eto’o: Gool dhaliyaha tartanka

Samuel Eto’o oo u dhashay dalka Cameroon ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka, waxa uuna dhaliyay 17 gool 5 tartan uu ka qeyb galay ,halka Mulumba Ndiaye oo u dhashay Zaire uu yahay ciyaartoyga dhaliyay goolasha ugu badan hal tartan, isaga oo dhaliyay 9 gool 1974tii.

Dhanka goolashii ugu badnaa ee hal kulan waxaa dhaliyay ciyaaryahankii Ivory Coast Laurent Boko, kaasoo dhaliyay shan gool ciyaartii ay dalkiisu 6-1 kaga badiyeen Itoobiya 1970-kii.

Marka la eego goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa tartanka waxaa dhaliyay Ayman Mansuur oo u dhashay dalka Masar isagoo 23 ilbiriqsi oo kaliya ku dhaliyay kulan ay Faraaciintu kaga badiyeen Gabon 4-0 1994-kii.

Rigobert Song oo u dhashay Cameroon, Axmed Xasan (Masar) Andre Ayew (Ghana) iyo Youssef Msakni oo Tunisia u dhashay ayaa ah ciyaartoyda ka soo qayb galay tartanka min (8) jeer.

Song ayaa haysta rikoorka ciyaartoygii ka qayb qaatay kulamadii ugu badnaa ee tartanka, isaga oo ciyaaray 36-kulan, halka Axmed Xasan uu yahay ciyaariyahanka ugu badan ee tartanka ka qayb-galay, final-kii 4-jeer.

Al-Jowhari iyo Keshi ayaa ku guuleystay tartanka iyaga oo ah ciyaartooy iyo macallimiin

Maxamuud Al-Jowhari oo Masar ah iyo Stephen Keshi oo kasoo jeeda Nigeria ayaa ah labada qofood ee tartankaan ku guuleystay iyaga oo ah mar ciyaartooy marna Macallin.

Al-Jowhari waxa uu ku guuleystay isaga oo ciyaartooy ah sannadkii 1957, isaga oo Macallin ahna waxa uu qaaday 1998.

Keshi ayaa dalkiisa kula guuleystay isaga oo ciyaartooy ah sannadkii 1994 halka uu ku guuleystay isaga oo Macallin ah 2013.

Dhanka Macallimiinta Charles Gyamfi oo Ghana ah ayaa ku guuleystay koobka Afrika 3 jeer oo kala ahaa 1963, 1965, iyo 1982, halka Xassan Shexaata oo Masar ah, uu heysto rikoor gaar ah kaas oo ah inuu ku guuleystay 3 jeer oo xiriir ah kuwaas oo kala ahaa 2006, 2008, iyo 2010.

Claude Le Roy oo Faransa kasoo jeeda ayaa Macallinka ugu qeyb qaadashada badan tartanka isaga oo ka qeyb galay sagaal jeer.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here