Sunday, May 19, 2024

Xisbiga gooni isu taagga Taiwan oo mar kale ku guuleystay doorashada

Taiwan (Dawan)- Lai Ching-ti, oo ah musharaxa xisbiga talada haya ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Taiwan, taas oo dhacaday maalinimadii Sabtiga (shalay)

Lai Ching-ti ayaa la dabaal degay taageerayaashiisa waxa uuna ka horsheegay inuu ka hortegi doono cabsi gelinta ay Dowladda Shiinuhu ku heyso Taiwan, isaga oo dhanka kale ballan qaaday inuu mucaaradka la tashan doono waxa uuna yiri “Waxaan si taxadar leh u qiimeyn doona barnaamijyada iyo mawqifyada mucaaradku ka qabaan doorashooyinka, haddii ay noqdaan kuwo anfacaya dadka iyo horumarka qaranka, waxaa lagu dari doonaa barnaamijyada siyaasadeed”

Xisbiga  Democratic Progressive Party oo ah xisibi u ololeeya in Taiwan ay ka madax bannaanaato Shiinaha ayaa markii seddexaad oo is xigta qaban doona talada Jasiiradda Taiwan, waxaana lagu wadaa in Lai Ching-ti oo hadda ah madaxweyne ku xigeen uu xilka la wareego May 20, 2024.

Lai Ching-ti ayaa helay codad gaaraya ilaa 40.2% halka musharraxa kusoo xiga ee Hou You-ih uu helay codad dhan 33.2%.

Qiyaastii 19.5 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan doorashooyinka, iyada oo muwaadiniinta Taiwan lagu qiyaaso 24 malyan oo qof.

Sannadkii 2020, waxaa cod bixintii madaxtinimada Taiwan ka qeyb qaatay 75% sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Ingiriiska ee The Guardian.

Haaweeneyda hadda ka ah Taiwan Madaxweyne Tsai Ing-wen oo 67 jir ah ayaa xilka ku waareejin doonta ku xigeenkeeda Lai Ching-te maadaama dastuurku u ogoleyn in ay mar seddexaad xilka sii qabato.

Musharaxiinta Madaxweyne ee Taiwan


Codbixiyayaasha Taiwan ayaa kala dooranayay seddex musharax, ka dib markii maalqabeenkii Terry Gou, isaga baxay tartanka saacado yar ka hor waqtiga kama dambeysta ah.

Seddexda musharrax ee u taagnaa madaxtinimada Taiwan ayaa kala ahaa:

Lai Ching-te (64 jir) oo ka tirsan xisbiga Democratic Progressive Party, hadana ah madaxweyne ku xigeenka Taiwan. Xsbigiisu waxa uu caan ku yahay in uu si cad ugu ololeeyo in Taiwan ay ka go’do Shiinaha.

Musharaxa labaad waa Hou You-ih (66 jir) oo ka socda xisbiga Kuomintang. Hou You-ih waa Sarkaal hore oo boliiska ah haddana waa duqa magaalada Taipei.

Hou You-ih iyo xisbigiisa ayaa u ololeeya in xiriir dhow lala yeesho Shiinaha.

Musharaxa seddexaad waa Kuo Wen-ji (64 jir) oo ka socda xisbiga Taiwan People’s Party.

Kuo Wen-ji waa duqii hore ee magaalada Taipei, waxa uu sheegay in uu raaci doono siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Tsai, balse waxa uu sidoo kale ku baaqay in wadahadal lala yeesho Beijing.

Xisbiga Democratic Progressive Party ayaa hadda haysta aqlabiyadda Baarlamaanka waxa uuna lu fadhiya 63 kursi. Xisbiga Kuomintang ayaa heysta 38 kursi, halka xisbiga Trans-Pacific Partnership Party uu haysto shan kursi.

Tirada guud ee Baarlamaanka Taiwan ayaa ah 113.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here