Monday, May 20, 2024

Maxay ka dhigan tahay isku shaandheynta kooban ee Golaha wasiirrada?

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, si loo buuxiyo wasaarado bannaanaa bilihii lasoo dhaafay.

Tirada guud ee la magacaabay waa 6 boos; 5 wasiir iyo hal wasiiru dowle. Marka laga reebo hal wasiir oo laga wareejiyay wasaaradda arrimaha gudaha loona wareejiyay arrimaha dibadda inta kale waxay ka yimaadeen bannaanka golaha wasiirrada.

  1. Generaal Cabdullaahi Fartaag, oo loo magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha waxa uu bedelay Maxamed Axmed Cali “Doodishe” oo muddo ka hor xilka banneeyay haddana Soomaaliya safiir uga ah Qatar.

    Fartaag waxa uu kamid yahay xisbiga madaxweynaha waxa ayna isku reer yihiin wasiirka xilka banneeyay oo waa isku bedlaad toos ah marka laga eego dhanqa qabiilka iyo xisbiga uu u nasab sheegto.
  2. Cali Yuusuf Xoosh waxa uu hoggaaminaya wasaaradda arrimaha gudaha, waxa uu si si dadban u buuxiyay booskii uu banneeyay wasiirka arrimaha dibadda Abshir Haruuse oo muddo ka hor xilkan banneeyay si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha Puntland.

    Siyaasad ahaan Cali waxa uu oday u yahay koox aad u xooggan oo sal adag ku leh siyaasadda Puntland iyo tan Federaalka oo hooyguudu yahay magaalada Garoowe, sidoo kalena waxa ay aad u kala fogyihiin maamulka Siciid Cabdullaahi Deni.
  3. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaa loo magacaabay wasiirka tamarta iyo biyaha, balse waxa uu si dadban u bedelay wasiirkii Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda oo ay Khaatumo ka soo wada jeedaan.

    Khilaaf xooggan ayaa kala dhaxeeyay Madaxweyne Deni oo ay ku kala tageen arrinka Khaatumo.
  4. Maxamed Aadan Macallin, (Maxamed Soomaali) Wasiika Boostada iyo Isgaarsiinta waa xildhibaan golaha shacabka kamid ah, waxa uu si dadban u bedelay wasiirkii tamarta iyo biyaha oo ay isku reer yihiin.
  5. Axmed Cumar Maxamed, Wasiiru-dowlahaha Wasaaradda Bay’adda iyo is-bedelka cimilada, waxa uu si toos ah u bedelay Aadan Ow Xirsi sabab la xiriirta isku dheellitirka wax qeybsiga qabaa’ilka ee lafaha hoose, kadib magacaabistii Fartaag.
  6. Axmed Macallin Fiqi, waxa uu u wareegaya wasaaradda arrimaha dibadda kadib sannad iyo bar uu hayay wasaaradda Gudaha.

    Fiqi ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee arrimo dibadeed kaas oo kasoo jeeda Koofurta Gaalkacyo kadib Cabdullaahi Ciise.

Isku shaandheyntan kooban ee Ra’iisul Wasaaruhu sameeyay ayaa gebi ahaanba meesha ka saareysa rajo iskusoo dhowaansho dhex mari karta Federaalka iyo Puntland marka la eego magacaabista Cali Xoosh iyo Cabdullaahi Bidhaan, oo kamid ah mucaaradka ugu saameynta badan Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here