Saturday, July 27, 2024

Maxay kawada hadleen Xasan Sheekh iyo Mucaaradka Koonfurgalbeed?

Dhuusamareeb (Dawan)- Siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfurgalbeed ee mucaaradka ku ah Madaxweynaha mamaul goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Laftagreen ayaa magaalada Dhuusamareeb ku booqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka laga helaayo kulanka ayaa tilmaamaya in Mucaaradka Koonfurgalbeed kala hadleen Madaxweynaha sidii doorashada maamul goboleedka Koonfurgalbeed loogu qaban lahaa waqtigeeeda iyo in Laftagreen oggolaado in siyaasiyiinta mucaaradka ah tegi karaan deegaanada maamul goboleedka si ay ula kulmaan bulshada.

Siyaasiyiinta ayaa caddeeyay sida ay ka go’antahay in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, sida lagu daabacay Villa Somalia.

Qoraalka Madaxtooyada ayaa intaas raaciyay, in Madaxweyne Xasan uu warbixin ka siiyay siyaasiyiinta guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada, isaga oo kula dardaarmay in midnimo, isu-tanaasul iyo wada-tashi looga gudbo arrimaha lagu kala aragtida duwanyahay, si loo gaaro Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

Mucaaradkaan waxaa ku jira siyaasiyiin caan ah oo xilal waaweyn kasoo qabtay Soomaaliya, waxaana ka mid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Cismaan Jawaari, Maxamed Mursal oo dhammaantood so noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo dhawaan iska casilay xilka si uu uga qeyb qaato tartanka xilka madaxweynha Koonfurgalbeed iyo siyaasiyiin kale.

Mucaaradka iyo maamulka Koonfurgalbeed ayaa billaawgii sannadkaan ku heshiiyay in doorasho la qabto bisha January ee sannadka 2024, balse mucaaradka ayaa ku eedeynaya Laftagreen inuusan dooneyn inuu qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here