Wednesday, December 4, 2024

Maxay tahay shaqada Garyaqaanka Guud Ee Dowladda?

Muqdisho (Dawan)- Qaraar xalay kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu faray Garyaqaanka Guud ee Dowladda inuu si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad ka dhan ah doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu ku guuleystay Axmed Maxamed Islaam. Galaha Wasiiradu waxay sheegeen in hannaanka loo maray doorasahda Jubaland uu ahaa mid baal marsan dastuurka iyo xeerka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo xeerka Ururada iyo Xisbiyada siyaasadda.

Waa maxay Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Dowladda?

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya waa hay’ad madax-bannaan oo ku shaqeysa waafaqsanaanta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 114. Xafiiskan waxaa lagu aas-aasay Xeer Lr. 18, ee soo baxay 29-kii Jannaayo 1976. Waa hay’ad muhiim ah oo u qaabilsan Dowladda talo-bixin sharci, ilaalinta danta guud, iyo difaacidda dowladda maxkamadaha hortooda.

Shaqooyinka Xafiiska

Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu qabtaa hawlo kala duwan oo ay kamid yihiin:

  1. Talo Sharci: Wuxuu talo sharci ka bixiyaa arrimaha looga soo jeediyo Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee dowladda. Sidoo kale, waxa uu hubiyaa in hawlaha hay’adaha dowladda waafaqsanyihiin sharciga.
  2. Difaacidda Dowladda: Wuxuu matalaa dowladda iyo laamaheeda kala duwan marka dacwad lagu soo oogo.

Dacwadaha uu la tacaalo xafiiska waxay kala yihiin:

Dacwadaha Madaniga: Is qabsigii ka dhasha mucaamalaadka dhex mara dowladda iyo shirkado ama shaqsiyaad, sida wax iibsi ama mashruuc dhismo iwm.

Dacwadaha Maamulka: Go’aannada dowladda ee laga keeno dacwad

Dacwadaha Shaqada: Khilaafaadka shaqaalaha dowladda iyo xuquuqda shaqaalanimo.

Dacwadaha Maaliyadda: Dacwadaha la xiriira maaliyadda qaranka.

Dacwadaha Dibadda: Matalaadda dowladda ee maxkamadaha caalamiga ah.

Shaqooyinka kale ee Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, waxaa ka mid ah;

  1. Qandaraasyada iyo Heshiisyada: Diyaarinta iyo isku duba-ridka qandaraasyada ay dowladdu la galeyso shirkado iyo shaqsiyaad. Sidoo kale xafiisku waxa uu qabtaa diyaarinta heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ay dowladdu qayb ka tahay.
  1. Hindise-Sharciyeedyada: Diyaarinta iyo talo-bixinta sharciyada cusub ee la horgeeyo Golaha Shacabka iyo xallinta wixii su’aalo ah ee Golaha Wasiirrada ka qabaan sharciyada la diyaarinayo.
  1. Xallinta Khilaafaadka: Dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka qaanuuneed ee hay’adaha dowladda dhexdeeda.
    Go’aaminta lahaanshaha dhulka dowladda ee la isku dacweeyo iyadoo aan maxkamad la marin.
  2. Faafinta Rasmiga ah: Soo saaridda faafinta rasmiga ah ee dowladdu, ee lagu soo bandhigo shuruucda iyo waxqabadka dowladda.
  3. Baarista Cilmiyeed: Sameynta cilmi baaris ku saabsan sharciyada dalka iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale waxa uu xafiisku ku sameeya dabagal sharciyada ay soo saaraan ururrada dowladaha ka dhexeeya.
  4. Tababarka Sharciga: Bixinta tababarro sharci oo loogu talagalay qareennada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda.

    Doorka Xafiiska ee Dacwadaha Dalka

    Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa door muhiim ah ka qaata ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, gaar ahaan marka ay timaaddo dacwado culus sida tan ku saabsan doorashooyinka. Xukuumadda Soomaaliya waxay xalay u dirtay Garyaqaanka Guud dacwad ka dhan ah doorashadii Jubaland, taas oo lagu eedeeyay inay baal marsan tahay dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

    Xafiiska Garyaqaanka Guud, waxa uu laf-dhabar u yahay ilaalinta sharciga iyo danta guud ee qaranka. Shaqadiisu waxay ka tarjuntaa muhiimadda ku xiran u hoggaansanaanta shuruucda iyo ilaalinta xuquuqda dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here