Tuesday, December 3, 2024

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee xiisadda Federaalka iyo Jubaland

Muqdisho (Dawan)- Tan iyo markii shalay Axmed Maxamed Islaam dib loog doortay inuu markii seddexaad noqdo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaa xigay tallaabooyin iska soo horjeeda oo ay qaadeen dowladda Federaalka iyo Jubaland kuwaas oo loo arko inay uga sii darayaan khilaafka jira.

  • Shalay dowladda federaalka waxay ciidamo ka dejisay Raas Kambooni, waxayna ujeedka ku sheegtay inay ATMIS kala wareegayaan mas’uuliyadda amniga.
  • Jubaland waxay arrintan ku tilmaantay in looga gol-leeyahy in la abuuro xasilooni darro iyo dagaal la mid ah kii sannadkii 2013kii.
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa xilkii ka qaaday Gudoomyihii Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) kadib markii uu ka hor yimid dib u doorashada Axmed Madoobe.
  • Xukuumadda Soomaaliya ayaa si cad u diiday in Axmed Madoobe loo doorto mar 3-aaad madaxweynaha Jubaland waxayna amartay in dacawad ka dhan ah la horgeeyo Maxkamadda Sare ee dalka.
  • Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Xasan Nuur Cabdi u magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Badhaadhe.
  • Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo maamulka Jubaland xilka ka qaaday ayaa maanta gaaray degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here