Jig-jiga (Dawan)- Maalagashigu waxa uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee ka qayb-qaadanaya koritaanka dhaqaalaha bulshada.
Dowlad Deegaanka Soomaalidu waxa uu hodan ku yahay fursadaha dhinacayda maalgashiga u baahan, sida Beeraha, Xoolaha, Warshadaha, Macdanta iyo nuucyada kala duwan ee adeegyada bulshada.
Maxay yihiin fursadaha ay abuurtay xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalidu?
Dowlad Deegaanka Soomaalidu waxa ay ka caawineysaa maalgashadaayasha helidda xogaha iyo fududeynta fursadaha maalgashi ee ka banaan deegaanka, iyada oo sannadkii tegay shati la siiyay ganacsato gaareysa 211 kuwaas oo isagu jira Qaran-joog iyo Qurba-joog.
Ganacsatada la siiyay shatiyada ayaa sameeyay maalgashi kor u dhaafaya 6.7 bilyan oo birr, waxaana shaqooyin isagu jira kumeel gaar iyo joogto ka helay dad lagu qiyaasay 6,626 oo qof.
Marwo Saynab Xaaji Aadan oo ah Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maalgaahiga iyo Qurbajoogta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa caddeysay in dhiirigalin loo sameeyay maalgashadayaasha, iyadoo canshuur dhaaf la xidhiidha dhinaca qalabka, gaadiidka iyo mishiinada ay dibada kala soo dagayaan loo fidiyay, halka 45 maalgaliye la siiyay dhulka ay maalgashiga ka fulinayaan, intaasi waxaa weheliya in 47 maalgaliye laga taageeray dhinacyada la xidhiidha hirgalinta mashaariicaha ay fulinayaan.
Marwo Saynab ayaa intaas ku dartay in 361 qof, loo fudaydiyay qaadashada Kaarka deganaanshaha, halka adeeg bixin iyo soo dhawayn loo sameeyay 783 ruux oo qurbajoog ah, waxaana xusid mudan in la aas-aasay Xarunta adeeg bixinta hal-goob, taas oo wax badan u fududaynaysa hawlaha iyo adeegyada xafiisyo kala durugsan oo mudo iyo wakhti ka qaadanaysay hal meel la isugu keenay.
Dhinaca Macdanta
Waxaa la diiwaangaliyay 63 shirkadood, oo ay aas-aasteen Qaran -joog iyo Qurba-joog, oo ka ganacsanaya macdanta, lana siiyay shaatigii ganacsiga, iyadoo laga soo xareeyay 62.2 milyan oo birr, lana wado diraasaado lagu xoojinayo istiraatiijiyada iyo qorshaha dhinacada macdanta.
Ma kor u kac ayuu sameeyay maalgashiga deegaanku muddooyinkii u danbeeyay?
Markaan isbar-bardhig lagu sameeyo 5-tii sano ee isbeddelka ka horaysay iyo 5-tii sano ee ka dambeysay waxaa noo soo baxaaya farqiga maalgashiga deegaanka.
Tusaale ahaan shantii sano ee ka horeysay isbeddelka waxaa deegaanka laga diiwaangaliyay 605 maalgaliye kuwaas oo maalgashi ku sameeyay raasamaal dhan 10 milyan oo birr, halka shantii sano ee ka dambaysay ee isbeddelka laga diiwaangaliyay deegaanka 2,089 maalgaliye oo la yimid raasamaal ka badan 34.6 bilyan oo birr.
Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii September qabatay shirweynaha wadatashiga xukuumada iyo Qurbo-joogta kaas oo looga hadlay sidii ay Qurba- joogtu kaalinta kaga aadan uga qaadan lahayd fursadaha maalgashiga ee deegaanka ka bannaan iyo horumarada kala duwan ee ka socda deegaanka, iyada oo xoogga la saarayo qaybaha muhiimka ah sida waxbarashada, shaqo abuurka, beeraha, xoolaha, warshadaha iyo ka faa’iidaysiga soo saaridda khayraadka dabiiciga.
Xigasho: Xafiiska warfaafinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida