Saturday, July 27, 2024

Dab xooggan oo ka kacay Suuqa Xamarweyne

Muqdisho (Dawan)- Dab xooggan ayaa caawa ka kacay Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyada oo weli lagu howlanyahay sidii loo demin lahaa.

Dabka ayaa ka billawday agagaarka Masjidka Marwaaz, waxa uuna ku fiday goobaha ku dhaw oo lagu iibiyo waxyaabo kala duwan sida Dahabka.

Maamulka Gobolka Banaadir, ganacsatada iyo dad weyne is xilqaamay ayaa dadaal ugu jira sidii loo demin lahaa dabka .

Sannadkaan gudihiisa, suuqa Taiwan ee Jigjiga, suuqa Beledweyne, suuqa magaalada Jowhar iyo suuqyo kale ayaa dab ka kacay mana jiro baaritaano la xiriirka sababta ka dambeysay oo loo soo bandhigay bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here