Saturday, July 27, 2024

Maxay yihiin qodobada ugu muhiimsan ee la filayo in ay ka hadlaan Xasan iyo Biixi?

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa mar kale marti gelineysa kulan dhax maraya Soomaaliya iyo Somalilnad oo ay isku arki doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi.

“Ujeedada safarka weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal”, ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland.

Ilaa iyo hadda (10:20) war rasmi ah kama soo bixin dhanka Villa Somalia.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in kulanka looga hadli doono dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin tacaamulka Deyn cafinta kadib, Habka maamulka mashaariicda, Qeybisga Kheyraadka iyo xasaradda kusoo korortay Amniga Badda Cas.

Somaliland, ayaa markaan miiska wada hadalka tegi doontaa iyada oo aan faraha ku hayn SSC Khaatumo, waxaana la filaya in Xasan iyo Biixi ay isla eegi doonaan xal u helidda colaadaha Gobolka Sool.

Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dib loo doortay May 2022 magcaabay ergay qaabilsan arrimaha Somaliland si loo sii amba qaado dariiqooyinka xal loogu heli karo qaddiyaddaan soo jiitamaysay sannado badan.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo tix geliyo Dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii Dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here