Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha Uganda iyo hoggaamiyaha RSF oo ka wada hadlay xaaladda Suudaan

Kampala (Dawan)- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Arbacadii la kulmay Hoggaamiyaha Jabhadda RSF ee dagaalka kula jirta Ciidamada dalka Suudaan.

Waa markii ugu horeysay ee hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Daglo lagu arko meel ka baxsan gudaha Suudaan tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay dalkaas bishii April.

Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay in Madaxweyne Museveni uu ku qaabilsay Daglo guriga uu ku leeyahay miyiga Degmada Kiruhura ee Koonfur-galbeed Uganda, iyaga oo kawada hadlay sidii loo damin lahaa colaadda Suudaan.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha RSF, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay inuu Madaxweyne Museveni kala hadlay xaaladdii ugu dambeysay Suudaan, iyo dhibaatada ay dadku kala kulmeen colaadda.

“Waxaan Madaxweyne Museveni sharaxaad dheeraad ah ka siiyey sababihii keenay in uu dagaalku qarxo, oo ay huriyeen taageerayaashii taliskii hore ee Cumar Al-Bashiir. Waxaan sidoo kale soo bandhigay aragtideena ah in la joojiyo dagaalka si loo dhiso Dowlad Cusub oo ku dhisan caddaalad” ayuu yiri, Daglo.

Hoggaamiyaha RSF ayaa hoosta ka xariiqay in ay ku dhegganyihiin qodobbadii ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD ee lagu soo gebagabeeyey dalka Jabuuti, isaga oo ballan qaaday in ay diyaar u yihiin fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay si loo soo afjaro colaadda.

IGAD waxa ku dhawaaqday 11-kii bishaan December, in hoggaamiyaasha labada dhinac ay yelaan doonaan kulan toos ah kadib 7 bilood oo ay ku jireen dagaal culus.

Fiidnimadii Arbacada, Dowladda Jabuuti ayaa ku wargelisay labada dhinac in dib loo dhigay kulankii lagu ballansanaa ilaa bisha January ee soo socota.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Suudaan iyo xoogaga kasoo horjeeda ee loo yaqaano SRF ayaa ku baahay Magaalada Wad Madni ee Maamul Goboleedka Jazeera ee bartamaha Suudaan.

Kaamka Abu Shouk ee ku yaal Waqooyiga Darfur oo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah ayaa la kulmay weeraro maalmihii lasoo dhaafay, taas oo dhibaatada kusii kordhisay dad marki horaba qax ahaa.

Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billawday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan Gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here