Saturday, July 27, 2024

Maxkamadda Racfaanka oo ayidday dilkii lagu xakumay Sayid Cali 

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta go’aan kasoo saaratay dacwadii loo haystay Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisa.

Maxkamadda ayaa ayidday xukunkii dilka ahaa ee hore  Maxkamadda Gobalka Banaadir ugu riday Sayid Cali Macallin Daa’uud 

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, Siciid Cali Maxamed ayaa sheegay in Maxkamaduu ku heshay Sayid Cali dambiga lagu eedeeyay, sidaas darteedna lagu xkumay dil toogasho.

Guddoomiyaha ayaa yiri, ” Waxey ku heshay (Maxkamaddu ) Sayid Cali Macallin Daa’uud, dambiga ku xusan qodobka 434, waxeyna ku xakuntay dambiile Sayid Cali Macallin Daa’uud dil toogasho ah.

Guddoomiya ayaa intaas raaciyay in ciddi aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkmadda ay u furantahay cabasho waafaqsan sharciga dalka.

Sayid Cali ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku gubay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir taariikhdu marki ay ahayd 26 Jan 2024, kadibna waxa uu u fakaday deegaanka Gabdaale oo hoos taga Magaalada Hobyo, inkasta oo markii dambe gacanta lagu soo dhigay.

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa horaantii bishii March ku riday xukun dil ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo lagu helay inuu geystay fal dambiyeedki ay ku dhimatay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, kadib markii uu dab qabadsiyay.

Maxkamadda ayaa xukunkeeda u cugsatay kadib markii Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranku uu soo bandhigay caddeymo kala duwan oo dhammaantood muujiniyay in Sayid Cali yahay dembiilihii geystay falka ay ku dhimatay Marxuumad Luul Cabdicasiis.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here