Saturday, July 27, 2024

Xamsa oo la kulmay Saraakiil tababar u joogta Qatar

Doha (Dawan )- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar, kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu tababar u jooga dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Saraakiisha rajada shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan ee ah in ay hormuud u noqodaan howlgallada socda ee xoreynta dalka, sida lagu yiri, bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Doha ayaa la kulmay madaxda iyo ganacsatada Qatar, isaga oo kala hadlay iskaashiga dhinacyada dhagaalaha, maalgashiga, amniga iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii May ee lasoo dhaafay booqasho ku tagay Qatar, halkaas uu kula kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada hadley iskaashiga iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here