Saturday, July 27, 2024

Midowga Afrika oo qaaday tillaabo lagu xoojinayo howlgalka Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Ururka Midowga Afrika ayaa Sivuyile Thandikhaya Bam u soo magacaabay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, taas oo loo arko in ay ka dhigantahay tillaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hoggaanka howlgalka Soomaaliya.

Sivuyile Thandikhaya Bam, oo ka soo jeeda Koonfur Afrika, ayaa 25-kii February, 2024-ka soo gaaray Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ee Magaalada Muqdisho, isagoo diyaar u ah inuu qabto xilka cusub ee loo magacaabay.

Ninkaan ayaa khibrad dheer u leh arrimaha xallinta khilaafaadka, isaga oo hore u soo noqday Madaxa Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Guddiga Midowga Afrika, halkaas oo uu kaalin muhiim ah ka qaatay kormeeridda dadaallada nabad ilaalinta ee Afrika.

Khibraddiisa waxaa ka mid ah inuu ka qeyb qaatay y dhowr hawlgal oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Hawlgalka Taageerada Caalamiga ah ee Mali (AFISMA).

Magacaabida Sivuyile Thandikhaya Bam ayaa la filayaa in ay wax weyn ka tari doonto awoodaha shaqo ee ATMIS ee lagu xaqiijnayo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Kusoo biiritaankiisa Hoggaanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya weli wajaheyso caqabado la xiriira waddadii ay ku heli lahayd xasillooni iyo nabad waarta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ATMIS.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here