Monday, May 20, 2024

Mowqifka Kheyre ee wax ka bedelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Halkaan ka aqriso khudbad uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre uga hadlayo mowqifkiisa ku aaddan wax ka bedelka Dastuurka.

Yagleelkii Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya sannadkii 2000, waxaa la kowsaday dadaaallo lagu baadigoobayo Dastuur ay heshiis ku tahay bulshadii Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday burburkii dowladnimada iyo dagaalladii sokeeye.

22 sano ayayna nagu qaadatay in aan ku heshiinno Dastuurka ku-meel-gaar ah ee aan maanta haysanno, oo Agoosto 1, 2012 ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 825 ergo oo wakiillo ka ahaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Dastuurkan oo ay dowladnimadeennu ku dhisan tahay waxaa gundhig u ah mabaadi’ ay dadka Soomaaliyeed uga soo heshiiyeen hayaankii dheeraa ee aan ku baadigoobaynay dowladnimada, sida in ay Soomaaliya tahay Jamhuuriyad muslim ah, federaali ah, dimoqraadi ah, xisbiyo badan, oo ay caasimaddeedu tahay Muqdisho.

Waxaa kale oo mabaadii’ dhaqan gashay noqday awoodqaybsiga dalka iyo in uu Baarlamaanku saldhig u yahay dowladnimadeenna.

Mabaadii’aas ay dadka Soomaaliyeed ka soo heshiiyeen oo gundhig u ah haykalka dowladnimadeenna ma ahn go’aan si fudud loogu beddeli karo damac siyaasadeed iyo rabitaanka koox gaar ah, ama Baarlamaanka labadiisa aqal ay ku filan yihiin ee waa go’aan u baahan in ummadda Soomaaliyeed oo dhami heshiis ku yihiin. 

Dastuurku waa heshiis ummadeed oo ka dhexeeya dhammaan dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowaldba. Waxaana sharciyaddiisa, hirgelintiisa, iyo kalsoonida lagu qabo go’aaminaya hannaanka loo marayo qabyo-tirkiisa.

Dastuurkan ku-meel-gaarka ah wuxuu dhigayaa habraacyo qeexaya hannaanka loo marayo dib-u-eegistiisa iyo dhammeystirkiisa.

In la beddelo 45 qodob iyo 97 faqradood, la soo kordhiyo 19 qodob iyo 94 faqradood oo aan ku jirin dastuurkan ku-meel-gaarka ah, lana tiro 3 qodob iyo 26 faqradood oo horay ugu jirtay ma ahan dastuur la dhmaamystirayo ee waa dastuur cusub oo loo qorayo Soomaaliya iyadoo aan heshiis lagu ahayn.

Waxaa xusid mudan in madaxdu aanay xitaa ku dhaqmin habraacii ay sida sharci darrada ah ku ansixiyeen, oo ay qorayaan dastuur cusub, iyadoo uusan kooramka baarlamaanku dhammaystirnayn isticmaalayana habraacyo cusub oo aan la ansixin, dastuurkana waafaqsanayn.

Waxay ahayd in aan dadka iyo dalka waqti laga lumin, oo juhdigan aan miradhalka ahayn loo weeciyo arrimaha mudnaanta u leh dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka ee u baahan heshiis siyaasadeed, sida hannaanka federaaleynta maaliyadda Dalka, wadaagga kheyraadka dabiiciga ah, federaalaynta garsoorka, jinsiyadda Soomaaliga, awood-qeybsiga dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada, maqaamka caasimadda iyo in la yagleelo golaha adeegga garsoorka iyo maxkammada dastuurka si ay dowladnimadu u saldhigato.

Dowladnimada Soomaaliyeed waxaa maanta tabasho uga maqan Somaliland. Halkii ay shacabka Soomaaliyeed sugayeen in Somaliland laga qanciyo tabashooyinka ay qabaan, si ay qeyb uga noqdaan geeddisocodka dowladnimadeenna, waxaa ayaandarro ah in madaxda dalku ay maanta kala dhantaalayaan Soomaalidii ku wada joogtay heshiiska siyaasadeed, oo ay gaarayaan go’aanno waawayn oo taabanaya haykalka dowladnimada iyo arrimaha masiiriga ah ee dalka, iyadoo ay maqan tahay Puntland.

Waa dhaqan abuuraya khilaaf, kala-shaki ah, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, dhaawacna ku ah hayaanka dowladnimadeenna, midnimada dalkeenna, iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.  
 
Waxaan sidaa daraadeed Madaxwayne Xasan Shiikh ugu baaqayaa in aanu ka leexan dariiqii aan ku wada baadigoobaynay siyaasad loo dhan yahay, ogaadana in dadka Soomaaliyeed aanay iloobin hadalladiisii ahaa in qof kaligiis ahi aanu talada dalka isku koobi karin, si aan dib loogu noqon dariiqii adkaa ee aan ka soo marnay dowladnimada aan maanta haysanno.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo dhammaan Xildhibaannada waxaa horyaalla masuuliyad culus oo ay indhaha ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, oo la ildaran qaranjabka aan mudada dheer ku jirnay. Mustaqbalka Soomaaliyana waxuu ku xiran yahay go’aannada aad maanta qaadataan.

Waxaan rajaynayaa in aad u hiillisaan dalkiinna iyo dadkiinna, kana fogaataan go’aan kasta oo kala dhantaali kara midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here