Saturday, July 27, 2024

Muwaadiniin ku xayirneed Libya oo dalka dib loogu soo celiyay

Muqdisho (Dawan)- In ka badan 100 muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Liibiya ayaa maanta dib loogu soo celiyay dhulkooda Hooyo.

Dadkaan oo sida badan markii hore qaab tahriib ah ku galay Libya si ay uga sii gudabaan qaaradda Yurub ayaa dhibaato kala kulmay mukhallasiinta dadka tahriibisa iyo guud ahaan xaaladda dalka Libya oo ah mid dagaal

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Libya iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa ku guuleysatay in muwaadiniinta maanta lagu soo celiyo dalkooda

Raage Cusmaan oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan wada tashiyo ay la leeyihiin Dowladda Libya si loo fududeeyo in ay dib u soo laabtaan muwaadiniin kale oo wali ku xayiran dalkaas.

Raage ayaa yiri ” Waxaa jira tiro badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo weli ku jira gacanta mukhallasiinta, waxaana dowladda Libya kala shaqeyneynaa sidii loo dedejin lahaa soo celinta shaqsiyaadkaas”

Agaasimaha ayaa ugu digay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay naftooda halis geliyaan iyaga oo tahriibiya si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Maryan Yaasiin Yuusuf, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Carruurta iyo Muhaajiriinta, ayaa ku celisay sida ay dowladda uga go’an tahay fududeynta soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran Libya iyo dalalka kale.

“Waxaa farxad weyn ah in aanu markhaati ka nahay dadkeenii oo ku soo laabanaya dalkooda ka dib markii ay soo mareen safar adag oo dhib badan. Tani waa dadaal wadajir ah oo ay ka qeyb qaadanayaan wasaaradaha kala duwan ee dowladda, waxaana sii laba jibbaari doonaa dadaallada aan ku raadineyno dadkeena weli ku dhibaateysan Libya iyo dalalka kale,” ayay tiri Danjire Maryan Yaasiin.

Maryan Yaasiin ayaa tilmaantay dhibaatada ay la kulmeen muwaadiniinta maanta dib loosoo celiyay xilligi ay ku jireen tahriibka

“Dhallinyaradan waxa ay soo mareen jirdil, xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo caqabado kale oo dhowr ah. Waalidiintooda waxaa laga qaatay lacago aad u badan si looga sii daayo mukhalasiinta, ka dibna waxaa loo sii gacan geliyay kuwa kale oo isla sidi ula dhaqmay” ayay tiri, Maryan Yaasiin

Danjire Maryan ayaa ugu baaqday dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Libya iy Suudaan in ay lasoo xariiraan Hay’adaha u xilsaaran shaqadaan si dib loogu soo celiyo dalkooda.

Khaliil Aadan Xasan oo ka mid ah dadka maanta lasoo celiyay ayaa cabbiray dareenkiisa, isaga oo muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu kusoo laabto dalkiisa Hooyo muddo kadib.

“Waxaa maanta farxad ii ah inaan dib ugu soo laabto dalkeyga Hooyo kadib muddo 15 sano ah. Waxaan galay xabsi, waxaana 4 sano ku qaatay magaalada Tripoli ee dalka Libya, anigoo oo la kulmay tacaddiyo iyo jirdil. Waxaan u mahadcelineynaa dowladdayna oo dadaal badan ku bixisay sidii aan uga soo bixi lahayn xabsiga si aan usoo laabano” ayuu yiri, Khaliil.

Kumanaan tahriibayaal ah ayaa gacanta ugu jira mukhallasiinta gobollada xeebaha ah ee Libya, halkaas oo ay kula kulmaan xadgudubyo, jirdil iyo lacag madaxfurasho ah oo aad u badan.

Sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, celcelis ahaan inta u dhaxaysa 2500 ilaa 3000 oo qof ayaa ku dhinta ama lagu waayaa badda sannad kasta.

2023, xogtu waxay muujinaysaa in tirada guud ee dadka la la’yahay iyo dhimashadu in ay gaareyso 2,652 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here