Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo ka qeyb gelaya shirka Yurub iyo wadamada soo koraya

Brussels (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlaayo guulihii ugu dambeyay ee ay dowladdu ka gaartay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab iyo horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo deny cafinta.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doona madaxda iyo mas’uuliyiinta kasoo qeyb geleysa shirka si uu ugala hadlo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii ay Somaaliya u heli lahayd garab istaag iyo taageero wax ku ool ah.

Shirka waxaa looga doodaya arrima badan oo ay ma mid yihiin, Tamarta, Waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha digital-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here