Saturday, July 27, 2024

Natiijo hordhac ah : Putin oo markii 5-aad loo doortay madaxweynaha Ruushka

Moscow (Dawan)- Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Ruushka ayaa muujinaysa guul weyn oo madaxweyne Vladimir Putin uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee Ruushka taas oo la soo gabagabeeyay Axadii.

Natiijooyinka uu ku dhawaaqay guddiga dhexe ee doorashada ayaa tilmaameysa in Putin (71 jir) uu ku guuleystay ilaa 88% codadka codbixiyayaasha, taas oo u damaanad qaadaysa in uu markii shanaad xilka madaxtinimo qabto lixda sano ee socota.

Tirada codadka ee uu Putin helay, waa tii ugu sarreysay ee uu helo hoggaamiya Ruush ah tan iyo burburkii Midowgii Sofiyeeti, waxa uuna noqon doona hogaamiyihii ugu wakhtiga dheeraa ee soo mara dalkaas muddo 200 oo sano ah.

Sida laga soo xigtay guddiga doorashada, heerka ka qaybgalka ayaa gaaray 67.5% halka heerka codaynta elektaroonigga ah ay ku dhawaatay 90%.

114 milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa xaq u lahaa in ay ka qeyb qaataan doorashooyinkan, kuwaas oo sidoo kale ka dhacay 4 gobol oo ka tirsan Ukraine balse ay gacanta ku hayaan ciidamada Ruushka.

Vladimir Putin waxaa la tartamay madaxa xisbiga Liberal Democratic Party, Leonid Slutsky, musharaxa xisbiga shuuciga, Nikolay Mikhailovich Kharitonov iyo musharraxa xisbiga dadka cusub, Vladislav Davankov.

Falcelinta qaar ka mid ah dowladaha caalamka

Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay doorashada Ruushka mid aan xor iyo xalaal ahayn, iyada oo Ingiriisku muujiyay mowqif kaas la mid ah halka Poland ay sheegtay in doorashadu aanay ahayn mid sharci ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale sheegay in doorashada Ruushka aysan lahayn hannaan sharci oo lagu kalsoonaan karo, isaga oo Putin ku tilmaamay kaligiis taliye doonaya inuu weligiis xukunka joogo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here