Kampala (Dawan)- Maanta, dalka Uganda waxa uu galay mid ka mid ah doorashooyinkiisa ugu xiisaha badan ee taariikhda casriga ah. Doorashadan waxaa isku hardinaya awoodda joogtada ah ee Madaxweyne Yoweri Museveni oo dalka soo maamulayay muddo ka badan 40 sano, iyo rabitaanka dhalinyarada iyo mucaaradka cusub ee doonaya isbeddel dhab ah.
Halkan, waxaan idinkula wadaageyna 10 arrimood oo ay tahay inaad ka kala socoto doorashada dalkaas.
1. Muhiimadda doorashadan:
Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama ay tijaabinayso sii socoshada xukunka Madaxweyne Yoweri Museveni (81 jir) oo muddo ka badan 40 sano dalka ku xakumayay gacan adag. Dhalinyarada dalka oo ka badan 75% oo ay la daalaa dhacaya shaqo la’aan waxayna doonayan inay arkaan isbedel ku yimaada hoggaanka dalka.
Doorashadu waa fursad lagu qiyaasi karo awoodda nidaamka hadda jira iyo rabitaanka isbeddel ee jiilka cusub.
2. Yaa ku tartamaya doorasaha?
Madaxweyne Museveni ayaa dadaal ugu jiro inuu kursiga xajisto markii toddobaad, isagoo oo lasoo shar tegay olole ku saleyn khibraddiisa iyo siyaasadda xasiloon.
Musharraxa ugu xooggan ee ka soo horjeeda Museveni, waa Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaan Bobi Wine (43 jir). Waa fanaan hore iyo hogaamiye siyaasadeed oo ka tirsan Xisbiga Midowga Qaranka (NUP), isagoo xoogga saaraya in lasoo afjaro xukunka oo ku magacaabay “kalitalisnimada”.
3. Tartanka xagga baarlamaanka:
Xisbiga talada haya ee National Resistance Movement (NRM) ayaa weli haysta aqlabiyadda baarlamaanka, iyadoo qaar ka mid ah musharrixiisa ay guuleystaan tartan la’aan, taasoo adkeynaysa in mucaaradku helo kuraas badan. Hase yeeshee, mucaaradku waxa uu xoogga saaraya magaalooyinka waaweyn sida Kampala oo ay ku leeyihiin taageero fara badan.
4. Kaalinta dhalinyarada:
Dhalinyaradu waa in ka badan 75% bulshada, waxaana ay yihiin xoogga go’aaminya doorashada. Bobi Wine wuxuu adeegsanayaa muusikada soo jiidaneysa dhallinyarada iyo baraha bulshada si uu u helo taageerada dhallinyarada iyo jiilka cusub, inkastoo oo ay dowladdu dhowr jeer xayirtay internet-ka.
5. Doorka ciidamada:



