New York (Dawan) – Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga digtay khatarta sii kordheysa ee colaadda Bariga Dhexe, iyadoo ku baaqday in xiisadda la dejiyo isla markaana la xoojiyo dadaallada diblomaasiyadeed si looga hortago in gobolka uu galo rabshado iyo xasillooni darro.
Digniintan ayaa timid kaddib kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ka yeeshay xaaladda Bariga Dhexe. Halkaas waxaa khudbad ka jeediyay ku-xigeenka wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Maxamed Yuusuf, isaga oo ku hadlayay magaca kooxda A3 oo ay ku mideysan yihiin Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Liberia.
Danjire Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in weerarrada milatari ee Mareykanka, oo kaashanaya Israa’iil, ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan, iyo jawaabta ay Iiraan bixisay, ay muujinayaan koror halis ah oo xiisadda ah, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Wuxuu xusay in colaadda sii fidaysa ay halis gelin karto gobolka oo dhan, isla markaana ay sababi karto rabshado aan la xakamayn karin. Wuxuu tilmaamay in xaaladdu u baahan tahay tallaabooyin degdeg ah oo lagu dejinayo xiisadda laguna ilaalinayo xasilloonida.
Soomaaliya ayaa sidoo kale cambaareysay weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday dalal dhowr ah oo ku yaalla Khaliijka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bahrain, Kuwait, Qatar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.








