Asmara, (Dawan) — Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa sheegay in nidaamka caalamiga ah u baahanyahay isku dheellitirnaan dhinacyo badan leh, nidaam caddaalad ah iyo iyo iskaashi siman, isagoo xusay in Ereteriya diyaar u tahay inay la shaqeyso Maraykanka si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha maalintii Isniinta, Madaxweyne Afwerki wuxuu tilmaamay in isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee ka socda caalamka, gaar ahaan ka guuritaanka nidaamka quwadda kaliyah loona weecanayo nidaam quwado badan ay yihiin sababaha ugu weyn ee saameynta xasilooni-darrada hadda jirta.
Isaga oo ka hadlay xiriirka Ereteriya la leedahay Maraykanka, Afwerki wuxuu xusay in Ereteriya ay samaysay dadaallo xilligi hore ee madaxweyne Donald Trump, taasoo horseeday wadatashiyo iyo in dhinacyada qaar laga sameeto horumaro aan ballaarneyn, inkasta oo hakad ku yimid xilligii maamulka Madaxweyne Joe Biden.







