Soomaaliya (Dawan) – Iyadoo ay ka muuqato sare u kaca dhanka diblomaasiyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, ayaa martigelisay Afurka diblomaasiyiinta oo loogu talagalay xubnaha Golaha Diblomaasiyiinta ee ka shaqeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya” ayaa ahmiyad weyn u yeelay munaasabaddan, iyadoo ay ahayd xaflad lagu muujinayo hormarka socda ee Soomaaliya iyo sare u kaca siyaasadda dibadda ee dalka.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay safiirrada iyo diblomaasiyiin heer sare ah, taasoo muujinaysa xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka. Munaasabaddan ayaa sidoo kale caddeyn u ah doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee arrimaha gobolka iyo caalamka, iyadoo Wasiir Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Abdisalaam Cali uu ka hadlay muhiimada siyaasadda dibadda ee Soomaaliya ee hadda soo ifbaxaysa.
Abdisalaam Cali, oo ka hadlay munaasabadda ayaa martida uga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ku celiyay sida Soomaaliya ay ugu heellan tahay in ay sii xoojiso iskaashiga caalamiga ah, wada-hadalka istiraatijiyadeed, iyo abuurista xiriirro iskaashi oo faa'iido u leh dhinacyada kala duwan.








