Belgium, 26 Febraayo 2026 (Dawan)— Midowga Yurub ayaa maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay €63 milyan oo Yuuro (qiyaastii $66.3 milyan) oo maalgelin degdeg ah oo loogu talagalay Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatada bini’aadantinimo ee dalka.
Taageeradan gargaarka ah ayaa timid xilli ku dhowaad saddex meelood meel dadka Soomaaliyeed — qiyaastii 6.5 milyan oo qof — ay wajahayaan macaluul iyo gaajo ba’an.
Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagtan ay mudnaanta siin doono adeegyada caafimaadka ee badbaadinta nolosha, nafaqeynta ku dhowaad 1.85 milyan oo carruur ah oo halis ugu jira nafaqo-xumo ba’an, iyo gargaarka lacageed ee degdegga ah.








