Awdal (Dawan ) — Waxaa isa soo taraya baaqyo ku aaddan in Gobolka Awdal uu noqdo dowlad-goboleed si toos ah uga tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaddib hadal uu jeediyay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka iyo bannaanbaxyo rabshado watay oo dhawaan ka dhacay magaalada Boorama.
Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka kana soo jeeda Gobolka Awdal, Ayuub Ismaaciil, ayaa sheegay in shacabka iyo waxgaradka gobolka ay doonayaan maamul si toos ah ugu xiran dowladda federaalka, isla markaana loo aqoonsado “Awdal State”.
“Waxay rabaan shacabkaas iyo deegaankaas maamul hoostaga dowladda federaalka oo ah Awdal State,” ayuu yiri wasiirku, xilli uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Laascaanood, oo lagu caleema saarayay hoggaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay magaalada Boorama ka dhaceen dhawaan bannaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday xiriir ay Somaliland la yeelatay Israa’iil iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland. Bannaanbaxyadaas ayaa isu beddelay rabshado sababay khasaare naf iyo mid hantiyeed, taas oo sii xoojisay dareenka tabashada siyaasadeed ee ka jirta gobolka.







