Jigjiga, (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida , Mustafe Muxummed Cumar, ayaa si rasmi ah u daah-furay goob dalxiis oo loogu magac daray halgamaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan, taas oo loogu tala galay xusuusta, taariikhda, dalxiiska iyo damaashaadka bulshada. Goobtan ayaa ah astaan muujinaysa halgankii Sayidka ee gobannimo-doonka iyo doorkii uu ku lahaa taariikhda gobolka.
Madaxweynaha DDS ayaa sheegay in goobtii hore ee taalada Sayidka ay ahayd mid ciriiri ka jirtay, isla markaana ay adkayd in sawir lagu qaado. Hase yeeshee, goobta cusub ayaa la keenay si ay u noqoto meel ku habboon dalxiiska, waxbarashada iyo xusuusta, taas oo si wanaagsan uga tarjumi karta taariikhda iyo geesinimada Sayidka.
“Taallada Sayidka iyo mashruucan waxay calaamad u yihiin go’naanshaha dowladda ee soo noolaynta iyo maamuuska taariikhda halgankeenna,” ayuu yiri Mustafe Muxummed Cumar.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in qorshihii dib-u-habaynta iyo qurxinta magaalada Jigjiga ay suurtagelisay in taaladda Sayidka loo raro meel muuqaal iyo meeqaam wanaagsan leh, taas oo ka tarjumeysa qiimaha uu halgamaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan u leeyahay bulshada iyo taariikhda gobolka.






