Muqdisho, 6 Janaayo 2026 (Dawan)– Midowga Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in berri oo Arbaco ah uu Muqdisho ka dhici doono mudaaharaad ballaaran, kaas oo lagu diidan yahay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil uu ku tagay Hargeysa.
Mudaaharaadka, oo lagu wado inuu ka dhaco Daljirka Dahsoon, ayaa la filayaa in ay hoggaamiyaan culimo si weyn looga yaqaan dalka, iyagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si nabad ah uga qaybqaataan dibadbaxa, una muujiyaan mowqifkooda ku aaddan waxa ay ku tilmaameen “faragelin shisheeye” oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, ayaa sheegay in ka qaybgalka dibadbaxa uu yahay masuuliyad saaran qof kasta oo Soomaaliyeed. “Qof kasta oo iimaan dhab ah leh waxaa waajib ku ah inuu difaaco diintiisa iyo dalkiisa, kana dhiidhiyo gardarrada nalagu soo qaaday,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya tallaabooyinka Israa’iil.
Dhinaca kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa ku baaqay midnimo iyo wadajir bulsho, isaga oo sheegay in dibadbaxa berri uu yahay fariin cad oo loo dirayo Israa’iil. “Waxaa la rabaa in aan u istaagno diinta Alle, isla markaana si cad u diidno gardarrada Israa’iil,” ayuu yiri.





