Muqdisho (Dawan)- Khudbadda Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ka jeediyey Muqdisho habnnimadii sabtida waxay ahayd mid xambaarsan farriimo siyaasadeed oo culus, kuna soo aadday xilli xasaasi ah.
Sida uu xafiiskiisu sheegay, khudbadani waxay qayb ka ahayd kulan uu la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir. Halkan waxaa kuugu sharraxaynaa qodobbada ugu muhiimsan iyo macnaha siyaasadeed ee ay xambaarsaneed khudbadaas:
1. Nidaamka Federaalka iyo Maamul Goboleedyada
Deni wuxuu si cad u sheegay in nidaamka federaalku uu weerar la kulmayo. Waxaa uu tilmaamay in:
Puntland iyo Jubbaland: L la rabo in lagu dhabar-jabiyo nidaamka federaalka. “Puntland waxaa lagula dagaalamay, Jubbaland-na waa lagula dagaalamayaa... waxaana la leeyahay maamulka aad leedihiin ee Federaalku idin siiyey ha ku dhaqmina; ani tafsiir kale waan u waayey,” ayuu yiri Deni.
Maamulada kale (Galmudug, Hirshabelle, K/Galbeed): Wuxuu ku sifeeyey in laga adkaaday oo ay yihiin maamullo "bilaa sharci ah" oo muddo-dhaaf ah, isagoo si dadban u sheegay in Villa Somalia ay maamusho.
2. Eedeynta Hoggaanka Dowladda Federaalka (Villa Somalia)
Deni wuxuu adeegsaday weedho adag oo uu ku weerarayo hoggaanka hadda jira, isagoo ku eedeeyay:
Duminta Nidaamka: Wuxuu sheegay in ujeeddada dowladda federaalku ay tahay "duminta nidaamka federaalka," taasna ay tahay khatarta koowaad ee dalka hortaagan.
3. "Madaxaa Buka"
Weedha ah "Caasimaddii ayaa hadda bukta" ayuu adeegsaday isagoo la hadlayay reer Muqdisho. Wuxuu raaciyey dalab ah in isaga iyo mucaaradkuba ay helaan fursad ay dadka kula hadlaan. Waxa uu sheegay in Muqdisho ay "lax-jeclo" ka hayso, isagoo ka xigsaday dadka uu ku sifeeyay inay xukunka hadda joogaan





