Garowe (Dawan)– Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Garowe kulan kula yeeshay Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda Puntland.
War kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladda guud ee dalka, iyo sidoo kale hawlaha mudnaanta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkiisa ku aaddan marxaladda siyaasadeed ee haatan taagan.
Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shalay subax shir uga furmay Garowe, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka, dalabka wadahadal ee ay u direen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi karaan haddii wadahadalladaasi miro-dhal noqon waayaan.





