Dhuusamareeb (Dawan ) – Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray dhismaha waddo cusub oo isku xiraysa magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, iyo deegaanka Qaradhi ee hoostaga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, taas oo dhererkeedu gaarayo 60 kiiloomitir.
Mashruucan dhismaha waddooyinka ayaa qeyb ka ah Mashruuca Nagaad, oo ka mid ah mashaariicda waaweyn ee dowladda ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana maalgelinaya Midowga Yurub.
Munaasabadda dhagax-dhigga waddada waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaAyubuuIsmaialciil Yuusuf, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga waddadan cusub, ayaa sheegay in mashruuca dhismaha waddadan uu qeyb ka yahay hirgelinta mashaariic waddooyin oo gaaraya in ka badan 2,483 km oo ay hadda dowladda gacanta ku hayso, kuwaas oo ka socda qeybo badan oo dalka ah. Isagoo ku daray in mashaariicdan loo qorsheeyay inay si weyn u fududeeyaan dhaqdhaqaaqa bulshada iyo ganacsiga, isla markaana ay ballaariyaan helitaanka adeegyada bulshada.



.jpg&w=3840&q=75)

