Washington (Dawan) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale hadallo ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ka jeediyay kulnaka wadajirka ah ee Kongareeska Mareykanka, isagoo ku eedeeyay musuqmaasuq isla markaana ku tilmaamay “burcad”.
Intii lagu guda jiray khudbad socotay ku dhowaad laba saacadood oo uu Talaadadii Trump uga hadlayay siyaasadda Mareykanka, ayuu ku dhawaaqay waxa uu ugu yeeray “dagaal ka dhan ah wax isdabamarinta” oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka JD Vance.
Wuxuu bulshada Soomaalida ee Minnesota u soo qaatay tusaale, isagoo ku andacooday inay ku lug lahaayeen musuqa lacago gaaraysa 19 bilyan oo doollar oo ka laga soo aruuriyay canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.





.jpg&w=3840&q=75)

