Muqdisho (Dawan) – Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Arbacadan maanta ah ku hanjabay inay dowladdu kala laaban doonto shatiyada ganacsiyada u hoggaansama canshuuraha sharci-darrada ah iyo “sakawaadka” ay dalbadaan kooxda Al-Shabaab, xilli dowladda federaalku ay xoojisay dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee ay kula jirto kooxdaas.
Shir jaraa’id oo wadajir ah oo ay ku qabteen xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Muqdisho, ayaa wasiirradu waxay kaga dhawaaqeen “dagaal dhameystiran” oo lagu hor istaagyo ilaha dhaqaale ee kooxda Al-Shabaab.
Cismaan Axmed Macow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa sheegay in lacagaha ay kooxdu ku ururiso magaca sakada ay tahay mid diin ahaan iyo sharci ahaanba baad ah. “Lacagta ay Al-Shabaab qaadaan ma ahan sakawaat sharci ah; waa baad iyo isbaaro,” ayuu yiri Macow, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay cidda kaliya ee xaq u leh ururinta sakada.
Wasiirka Ganacsiga, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in dowladda ay dhaqan-gelisay habab cusub oo lagula soconayo ganacsiyada weli maalgelinaya kooxda. “Ganacsatada Soomaaliyeed waa laf-dhabarta dhaqaalaheena, balse waa inaysan noqon laf-dhabarta argagixisada,” ayuu yiri Wasiir Jamaal. “Ganacsade kasta oo lagu helo isagoo xiriir hoose la leh ama lacag siiya khawaarijta, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah, oo ay ka mid tahay in lagala laabto shatiga ganacsiga iyo ciqaab adag.”





