Muqdisho (Dawan) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu casuuntay isbahaysiga mucaaradka ee loo yaqaan Golaha Mustaqbalka ka qaybgalka wadahadal siyaasadeed oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda Muqdisho 1-da Febraayo, si xal looga gaaro ismari-waaga ka taagan hannaanka doorashada dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha.
"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri, bayaanka
Casuumaddan ayaa timid kaddib wadahadal hordhac ah oo dhanka taleefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno sare oo ka tirsan mucaaradka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Dawan Media. Wadahadalladaas ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda uu leeyahay shir wadatashi oo loo dhan yahay, kaas oo fure u noqon kara heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka.
Ilo-wareedyada ayaa xaqiijiyay in shirka la qorsheeyay uu diiradda saari doono qaab-dhismeedka hannaanka doorashada, waqtigeeda, iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada siyaasadeed ee kala duwan, iyadoo la doonayo in laga fogaado khilaaf cusub oo carqaladeeya geeddi-socodka siyaasadeed.




