Muqdisho, 5 Maarso 2026 (Dawan)– Kulanka Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Khamiis ah lagu ansixiyay isfaham dhexmaray Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo dadka haysta baasaboorka diblomaasiga looga dhaafayo shuruudaha fiisaha, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Heshiiskan ayaa ka mid ahaa dhowr heshiis caalami ah oo lagu ansixiyay kalfadhiga Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray ballaarinta xiriirka dibadda ee dalka iyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah.
Goluhu wuxuu sidoo kale oggolaaday dhowr heshiis oo kale oo laba-geesood ah iyo kuwo dhinacyo badan leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
Heshiis isfaham oo ku saabsan iskaashiga caafimaadka ee dalka Ruushka.
Heshiis ku saabsan hannaanka wadatashiyada siyaasadeed ee dalka Isbaaniya.
Heshiis la xiriira Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika (African Peer Review Mechanism).







