Muqdisho, (Dawan) – Jaamacadda SIMAD ayaa la saxiixatay iskaashi Ururka Xisaabaadka Chartered Certified Accountants (ACCA) si ay u bixiso barnaamijyo shahaadooyin xirfadeed oo loogu talagalay ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, iyadoo loo marayo Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta (CRD).
Horumarkan cusub ayaa ardayda u suurtogelinaya inay helaan shahaadada ACCA iyaga oo qaadan kara casharro Online iyo Offline, taasoo ka dhigaysa waxbarashada xisaabaadka caalamiga ah mid lagu heli karo gudaha dalka.
Aqoonsiga ACCA Silver Learning Partner ayaa muujinaya sida Jaamacadda SIMAD ay uga go’an tahay bixinta shahaadooyin xirfadeed oo heer caalami ah.
Iskaashigan ayaa u suurtogelinaya ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed inay helaan tababar iyo shahaado xisaabeed oo tayo sare leh, iyaga oo aan u baahnayn inay u safraan dibadda.







