Muqdisho, (Dawan) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn dhanka cirka ah oo xalay ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe in lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, laguna burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdu adeegsan jirtay.
Bayaanka wasaaradda oo la soo saaray Talaadadan ayaa lagu sheegay in hawlgalkan lagu fuliyay iskaashi lala yeeshay saaxiibbada caalamiga ah, isla markaana lagu bartilmaameedsaday deegaanka Jabad Godone, halkaas oo sida la sheegay ay Al-Shabaab ku lahaayeen xarun ay ku qorsheyn jireen weerarro ka dhan ah dadka rayidka ah.
"Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu (Alshabaab) ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan" ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Gaashaandhigga.






