Markii calanka Faransiiska hoos loo dhigay, xafladdu waxay calaamad u noqotay dhammaadkii joogiisa milatari ee Ivory Coast, iyo marxalad cusub oo ka bilaabanaysa Afrika.
Faransiiska ayaa Khamiistii si rasmi ah u wareejiyay saldhiggiisii milatari ee Ivory Coast, taasoo ay calaamad u tahay hoos u dhac weyn oo ku yimid joogitaankiisa Afrika.
Tan iyo 2015, Faransiisku wuxuu lahaa ku dhawaad 1,000 askari oo ku sugnaa Ivory Coast, isagoo ujeeddadu ahayd ilaalinta xasilloonida gobolka. Laakiin sanadihii dambe, Faransiisku wuxuu wajahaya cadaadis xooggan oo lagaga saarayo Afrika.
hadda waxaa ciidamo Faransiis ah ku harsan kaliya Djibouti iyo Gabon, laba dal oo aan wali muujin wax doonis ah oo ay ku beddeli karaan heshiisyada milateri ee ay la leeyihiin Paris.
Dalalka Mali, Niger, iyo Burkina Faso ayaa horey u amray bixitaanka ciidamada Faransiiska, maalmo kahor uu wadahadallo la yeeshay Senegal si loo dhiso guddi qaban-qaabiya bixitaanka ciidamadiisa.iyadoo dadweynaha iyo dowladaha deegaanka ay ka caroodeen joogitaanka milatari ee Faransiiska.
Maxaa is beddelay? Waa maxay sababta dalal Afrikaan ah ay u diidan yihiin joogitaanka Faransiiska?
Ruushka, Shiinaha, iyo Turkiga ayaa durba u dhaqaaqaya sidii ay u buuxin lahaayeen booska Faransiiska ka baxay.
Afrika waxay hadda fursad u leedahay inay xulato saaxiibo cusub. Dalalka gobolka waxay doonayaan iskaashi ka baxsan hab-dhaqanka hore.
Ma jiri doontaa waddo kaleoo dib loogu soo celin karo Faransiiska?
“Haddii Faransiisku uu doonayo inuu saameyn ku yeesho Afrika mustaqbalka, waa inuu ka beddelaa qaabkii hore kana guuraa milatari toos ah una guuraa iskaashi farsamo iyo dhaqaale. Waxaa arigtidaas qabo Paul Melley oo ah khabiir sare oo ka tirsan xarunta caalamiga ah ee daraasaadka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah.
Xilli Afrika ay wajaheyso mustaqbal cusub oo ka madax bannaan gacan shisheeye, Faransiisku ma noqon doonaa saaxiibka ay u baahan yihiin mise waa taariikh lasoo xiray?


