Soomaaliya, 21 Febraayo 2026 (Dawan)— Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay in Dowladda Federaalka ay sanadkan qabanayso shir qaran oo ku saabsan af-Soomaaliga, kaas oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu ilaalinayo afka hooyo ee dalka.
Isagoo ka hadlayay munaasabad wadajir ah oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, taasoo ay soo qabanqaabiyeen Akadeemiyada Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) iyo Akadeemiyada Cilmiga iyo Farshaxanka (ASA) ee Muqdisho, wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu qaban doono iskaashi lala yeelanayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, akadeemiyada afka ee gobolka, iyo qaybaha kale ee waxbarashada. “Qof aan af-Soomaali ku hadlin kama soo qayb-geli doono shirka,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in ka-qaybgalayaasha ajnabiga ah ee yaqaanna af-Soomaaliga ay si gaar ah u soo dhoweyn doonaan.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta af-Soomaaligu ay tahay mas’uuliyad qaran oo aan ku xirnayn aqoonsi caalami ah ama hay’ado dibadda ah.






