Muqdisho (Dawan) — Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya aysan gacmaha ka laaban doonin haddii Israa’iil ay isku daydo inay timaado dhulka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah loo qaadi doono si loo difaaco madaxbanaanida iyo midnimada dalka.
Wasiir Fiqi, oo wareysi siiyay Telefishinka Al-Jazeera qeybtiisa Carabiga, ayaa cuksaday in xeerarka caalamiga ah iyo sharciga Soomaaliya ay xaq u siinayaan dowladda in ay difaacdo xuduudaha iyo madaxbanaanida qaranka. “Soomaaliya waa lagu xadgudbay. Haddii Israa’iil ay isku daydo inay cagaheeda soo dhigto qayb ka mid ah dhulkeena, waxaan qaadi doonnaa dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah, mana noqon doonno kuwo gacmaha laabta,” ayuu yiri wasiir Fiqi.






