Muqdisho (Dawan ) – Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed, kaas oo lagu soo bandhigayo ganacsiyada ay haweenku leeyihiin iyo kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalka.
Bandhiggan ayaa la qabanqaabiyay iyadoo loo dabaaldegayo Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ee 8-da Maarso, iyadoo diiradda lagu saarayo dhiirrigelinta haweenka ganacsatada ah iyo kor u qaadista fursadaha dhaqaale ee haweenka Soomaaliyeed.
Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo hadal ka jeedisay munaasabadda ayaa hambalyo u dirtay haweenka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in bandhiggan uu yahay fursad lagu muujinayo shaqada iyo dadaalka haweenka Soomaaliyeed ee ku hawlan ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.
“Waxaan hambalyo u dirayaa haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan hooyooyinka iyo gabdhaha meel kasta oo ay joogaan. Bandhiggan wuxuu muujinayaa dadaalka iyo kartida haweenka Soomaaliyeed ee ku jira ganacsiga,” ayay tiri wasiiraddu.








