Jabuuti, Janaayo 19, 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, kaddib dib-u-doorashadiisii muranka dhalisay, isagoo ku ammaanay hoggaamiyaha muddada dheer xilka hayay inuu yahay halbeeg u taagan xasilloonida iyo nabadda gobolka.
Museveni, oo 81 jir ah, isla markaana xilka hayay tan iyo 1986-kii, ayuu Guddiga Doorashada Uganda ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 15-kii Janaayo, kaddib markii uu helay 71.65% codadkii la dhiibtay, taasoo u horseedday muddadiisii toddobaad ee madaxweynenimo. Natiijadaas ayaa waxaa si adag u diiday mucaaradka, oo ku eedeeyay dowladdu inay ku kacday khiyaano doorasho iyo xannibaad internet oo ballaaran.
Farriin hambalyo ah oo uu diray, Madaxweyne Geelle ayaa ku sheegay in guusha Museveni ay tahay “tusaale cad oo muujinaya kalsoonida shacabka Uganda ay ku qabaan hoggaankiisa,” isagoo intaa ku daray in hoggaanka Museveni uu dalkiisa iyo guud ahaan gobolka ka dhigay mid lagu daydo dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida.
“Hoggaankaaga aqoonta ku dhisan awgeed, Uganda waxay kasbatay sumcad ay mudan tahay, iyadoo noqotay halbeeg ka shaqeeya nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan dadaallada la xiriira Soomaaliya,” ayuu Geelle ku yiri farriintiisa.






