Jigjiga – 7 Janaayo 2026 (Dawan)- Golihii ugu horreeyay ee ay ku mideysan yihiin dhallinyarada Muslimiinta ayaa si rasmi ah looga dhisay Dowlad-Deegaanka Soomaalida, kaddib shir ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Jigjiga, taas oo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin sare, culimo iyo boqolaal dhallinyaro ah.
Shirka, waxaa guddoomiyay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar, oo ku bogaadiyay aasaaska golahan cusub, isagoo sheegay in uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka dhallinyarada ee arrimaha bulshada, diinta iyo horumarinta nabadda.
Madaxweynaha ayaa xusay in isbeddelladii siyaasadeed ee la sameeyay sanadihii la soo dhaafay inay horseedeen ballaarinta xorriyadda diinta, isla markaana ay dhallinyarada u suurtagelisay in ay si furan uga qeyb qaataan abaabulka bulsho iyo howlaha horumarinta.
"Toddobadii sano ee u dambeeyay waxa isbeddel ballaadhan laga sameeyay xorriyadda diinta" ayuu yiri, Mustafa





