Godey (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daahfurtay goosashadii ugu horreysay ee bariis laga soo saaray Mashruuca Waraabka Galbeedka Godey, taasoo calaamad u ah horumar weyn oo dhanka isku-filnaanshaha cuntada ah iyo yareynta ku-tiirsanaanta gargaarka dibadda.
Goosashada ayaa ka bilaabatay degmada Beercaano, halkaas oo masuuliyiin heer deegaan ah ay goob-joog ka noqdeen uruurinta dalag laga beeray dhul tijaabo ah oo cabbirkiisu yahay 35 hiktar, qeybna ka ah wejiga koowaad ee mashruuca oo qorshihiisu yahay 150 hiktar oo bariis iyo qamadi lagu beero.
Masuuliyiinta Xafiiska Beeraha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in natiijada laga helay tijaabadan ay muujinayso awoodda dhulka iyo biyaha Galbeedka Godey u leeyihiin beerista dalagyo istiraatiiji ah, gaar ahaan bariiska oo ah cunto si weyn loogu tiirsan yahay, balse inta badan laga keeno dibadda.




