Soomaaliya (Dawan) — Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ku eedeeyay ciidmada maamulka Somaliland inay weerar kusoo qaadeen dad rayid ah oo ku sugan gobolka Sanaag, arrintaas oo sii hurin karta xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ee isku haya gacan-ku-haynta deegaannadaas.
Wasaaradda Amniga ee Waqooyi Bari ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Somaliland ay saaka aroortii weerar ku qaadeen deegaanka xeebeedka Shidan oo hoos taga degmada Laas Qoray.
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in weerarkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka deegaanka, inkastoo aan la shaacin tirada rasmiga ah.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay ku tilmaantay falkan mid looga dan leeyahay hurinta colaado iyo abuurista qalalaase laga dhex abuuro shacabka ku nool deegaankaas.







