New York (Dawan)- Xilli ay dinda hareeyeen xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni, ayay Soomaaliya ayaa u soo baxday bartamaha masraxa diblomaasiyadda caalamiga ah, kaddib markii ay la wareegtay madaxtinnimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo 2026, taas oo lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumaysa dib-u-soo-laabashada dalka ee fagaaraha go’aan-qaadashada caalamka.
Soomaaliya ayaa shir gudoomiysay kulankeedii ugu horreeyay ee Golaha Ammaanka shalay, taas oo ah markii ugu horreysay muddo 54 sano ah oo ay xilkan qabato. Doorkan hogaamineed wuxuu siinayaa Muqdisho awood iyo masuuliyad ay ku hoggaamiso hay’adda ugu saameynta badan dunida ee u xilsaaran nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.
Intii lagu guda jiray madaxtinnimada, Soomaaliya waxaa dusha u saaran masuuliyado ay ka mid yihiin dejinta ajandaha Golaha Ammaanka, guddoominta dhammaan kulamada, hagaajinta doodaha u dhexeeya 15-ka xubnood ee golaha, iyo fududeynta heshiisyada iyo qaraarrada muhiimka ah ee la gaarayo.
Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan, ayaa xilli horeba aqbalay codsi ku saabsan kulan degdeg ah oo looga hadlo xaaladda Venezuela, kaddib markii Mareykanku uu weerar ku qaaday dalkaas, isla markaana uu ku soo qabtay Madaxweyne Nicolás Maduro, taas oo dhalisay falcelin caalami ah iyo dood ku saabsan sharcinimada tallaabadaas.





