Muqdisho (Dawan)– Shirkadda isgaarsiinta ee ugu weyn Soomaaliya, Hormuud Telecom, ayaa maanta Isniin ah ku eedaysay ciidamada Kenya inay burburiyeen mid ka mid ah xarumaheeda muhiimka ah ee shabakadda isgaarsiinta, taas oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose, fal ay shirkaddu sheegtay inuu hakiyay adeegyo isgaarsiineed iyo kuwo maaliyadeed oo aasaasi u ahaa kumannaan qof oo shacab ah.
Bayaan ay shirkaddu soo saartay 19-ka Janaayo 2026 ayay ku sheegtay in xarunta la burburiyay ay ku taallay tuulada Dhuyac-garoon, isla markaana ay ciidamada Kenya burburiyeen taariikhdu marka ay ahayd 14-ka Janaayo. Hormuud ayaa xustay in isla goobtan horey loogu bartilmaameedsaday weerar la mid ah 21-kii Janaayo 2019.
“Falkan ayaa shirkadda iyo macaamiisheeda u sababay khasaare ballaaran oo dhanka adeegga iyo maaliyadda ah,” ayay shirkaddu ku sheegtay bayaan ku taariikhaysan 19-ka Janaayo 2026, iyada oo intaas raacisay “Adeegyadan ayaa lafdhabar u ahaa xiriirka bulshada, ganacsiga, iyo nolol-maalmeedka dadka deegaanka oo xilligan si weyn ula daalaa dhacaayo abaaro baahsan iyo duruufo nololeed oo aad u adag.”
Hormuud ayaa sheegtay in burburinta xarunta ay keentay in gebi ahaanba istaagaan adeegyada isgaarsiinta iyo kuwa lacagta mobaylka ee aagga, oo ay ku jirto adeegga EVC Plus, kaas oo shirkaddu ku tilmaantay mid ay si weyn ugu tiirsan yihiin dadka deegaanka si ay ugu iibsadaan cunto, biyo, iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah.





