Jeddah, 10 January 2026 ( Dawan)– Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta yeeshay shir gaar ah oo looga hadlay xaaladda ka taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Israel ay u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Xoghayaha Guud ee Ururka, Xuseen Ibraahim Daaha, ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid xasaasi ah, laguna falanqeynayo tallaabo halis gelinaysa midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay tallaabada Israel mid sharci-darro ah oo si toos ah u khalkhalgelinaysa nabadda iyo xasiloonida gobolka.
Xoghayaha Guud ayaa intaa ku daray in kulankan uu yahay sii dhamaystirka shirkii hore ee guddiga fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka, wuxuuna muujiyay sida ay dowladaha xubnaha ka ah Ururku uga walaacsan yihiin khatarta tallaabooyinka noocan oo kale ah.





