Qudus (Dawan)- Israa’iil ayaa Isniintii si rasmi ah Itoobiya ugu tilmaantay “saaxiib istiraatiiji ah ”, kaddib wadahadallo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Qudus, kuwaas oo muujinaya xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka amni ee u dhexeeya labada dal, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha ka taagan Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa magaalada Qudus ku qaabilay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Hadera Abera Admassu, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga laba geesoodka ah. Sa’ar ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen “caqabadaha ay wajahayaan gobolladooda”, isaga oo kulanka ku tilmaamay fursad lagu sii xoojinayo xiriirka Tel Aviv iyo Addis Ababa.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday kacsanaanta gobolka, iyadoo Itoobiya ay ku lug leedahay muranno diblomaasiyadeed oo kala dhaxeeya dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Masar, Suudaan iyo Ereteriya. Xiisadahaas ayaa si gaar ah ugu xiran Mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya ee Webiga Niilka Buluugga ah, iyo hammiga Itoobiya ee helidda marin ay ku gaarto Badda Cas ah.







