Jabuuti (Dawan) — Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay bilowdo dhoofinta shidaalka iyo bacriminta beeraha iyada oo adeegsanaysa dekadaha Jabuuti, taas oo muujinaysa isbeddel istiraatiiji ah oo ay kaga guurayso ku-tiirsanaanta soo-dejinta una jihaysanayso dhaqaale ku dhisan wax-soo-saar iyo dhoofin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maamulka Dekedaha Jabuuti.
Guddoomiyaha Maamulka Dekedaha iyo Goobaha Xorta ah ee Jabuuti, Cabdiqaadir Cumar Xaadi, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Jabuuti ku sheegay in qorshahan uu yimid kaddib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku tagay Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Cabdiqaadir ayaa tilmaamay in Itoobiya ay hadda soo dhoofsato ku dhowaad 1.8 milyan tan oo ah bacriminta beeraha sanadkii, balse ay hadda u diyaargaroobayso inay dhoofiso shidaal iyo badeecooyin kale oo ay bacrimintu ka mid tahay, iyadoo dekadaha Jabuuti ay noqonayaan marinkeeda saadka ee ugu weyn.
“Itoobiya waxay doonaysaa inay yarayso waxyaabaha ay soo dhoofsato, isla markaana kordhiso waxa ay dhoofinayso. Marka dal uu wax soo saarkiisu ka bato isticmaalka, dhaqaalihiisu wuu xoogaystaa,” ayuu yiri, isagoo xusay in Jabuuti ay si buuxda u taageerayso isbeddelkan istiraatiijiga ah.
Sida uu sheegay, kobaca dhaqaalaha Itoobiya ayaa la filayaa inuu kordhiyo xaddiga xamuulka mara dekedaha Jabuuti, isla markaana uu xoojiyo dheellitirka ganacsiga iyo qiimaha lacagta Itoobiya. Waxa uu Itoobiya ku tilmaamay saaxib saadka istiraatiiji ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in adeegyada dekedaha Jabuuti ay weli yihiin laf-dhabarta ganacsiga Itoobiya.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale xusay in wada-hadalladii booqashada heerka sare ay diiradda saareen laba qodob oo muhiim ah: ballaarinta awoodda dhoofinta iyo hagaajinta kaabeyaasha saadka, si loo waafajiyo doorka sii kobcaya ee Itoobiya ee ganacsiga gobolka, iyadoo Dekadaha Jabuuti ay weli u yihiin marinkeeda ugu muhiimsan.
Dekadaha Jabuuti ayaa Itoobiya u ah marin-badeedka ugu weyn ee ay u adeegsato inta badan soo-dejinta iyo dhoofinta dalkaas. Isbeddel kasta oo ku wajahan dhoofinta shidaalka iyo bacriminta beeraha ayaa la filayaa inuu sii adkeeyo xiriirka dhaqaale ee labada dal, isla markaana uu xoojiyo doorka Jabuuti ee ah xarun saadka istiraatiiji ah oo muhiim u ah Geeska Afrika.

