New York (Dawan) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu yeesho kulan degdeg ah galabnimada Sabtigan, kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro cirka ah ku qaadeen dalka Iiraan, taas oo dhalisay cambaareyn iyo walaac caalami ah.
Kulankan degdegga ah waxaa codsaday wakiillada joogtada ah ee France, Bahrain, China, Russia iyo Colombia, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ergada joogtada ah ee Russia u fadhiya Qaramada Midoobay.
Ergada Ruushka ayaa ku tilmaamtay weerarrada ay Washington iyo Tel Aviv ku qaadeen dal xubin ka ah Qaramada Midoobay “xadgudub toos ah oo ka dhan ah mabaadi’da iyo qawaaniinta aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah,” iyagoo ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay khatar gelinayaan nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee Bariga Dhexe.
Ruushka ayaa sheegay inuu kulanka ka dalban doono in Mareykanka iyo Israa’iil inay si degdeg ah u joojiyaan waxa uu ku tilmaamay “falalka sharci-darrada ah ee hurinaya xiisadda,” isla markaana loo weecdo waddo siyaasadeed iyo xal diblomaasiyadeed.








