Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in goobta farshaxanka dhagaxda ee Abourma, oo ku taalla gobolka Tadjourah, loo aqoonsaday taallo qaran, taas oo ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka dalka, isla markaana lagu diyaarinayo u gudbinta goobaha taariikhiga ah Liiska Hiddaha Adduunka ee UNESCO.
Go’aankan ayaa lagu ansixiyay fadhigii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada Jabuuti ee sannadka 2026, kaas oo uu guddoomiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Xeerka la meel mariyay ayaa siinaya dhowrid dawladeed goobta Abourma, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee farshaxanka dhagaxda ee Geeska Afrika.
Goobtan ayaa hoy u ah in ka badan 900 dhagax ah oo ka soo jeeda xilli ka horreeyay taariikhda qoran, kuwaas oo ay ku sawiran yihiin xayawaano kala nuuc ah, kuwaas oo muujinaya in deegaanka Tadjourah uu mar ahaa dhul cagaaran oo ka duwan xaaladda qallalan ee maanta jirta. Khubarada cilmiga qadiimiga ah ayaa u arka Abourma diiwaan taariikheed muhiim ah oo ka tarjuma isbeddellada deegaanka iyo noloshii bulshooyinka hore ee gobolka.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyay xeer kale oo lagu dhisay Guddiga Qaranka ee Hiddaha iyo Dhaqanka, kaas oo u shaqayn doona sidii hay’ad la-talin u ah Wasaaradda Dhallinyarada iyo Dhaqanka. Guddigan ayaa loo xilsaaray aqoonsashada, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida dhaqanka ee muuqata iyo tan aan muuqanba, iyadoo la raacayo Sharciga Hiddaha ee Qaranka (Lambarka 208) oo la ansixiyay dabayaaqadii 2025.





