Jigjiga, Febraayo 28, 2026(Dawan)— Warshad cusub oo soo saarta calafka xoolaha, kuna kacday 125 milyan oo birr (qiyaastii 1 milyan oo doollar), ayaa si rasmi ah uga bilaabatay hawlgalkeeda magaalada Jigjiga. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu casriyeynayo wax-soosaarka xoolaha ee Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS).
Warshadda Calafka Xoolaha ee Suufi, oo ah maalgashi gaar loo leeyahay oo uu sameeyay ganacsade lagu magacaabo Cabdi Xasan Suufi, ayaa adeegsata tignoolajiyad casri ah si ay u soo saarto calaf nafaqo leh oo loogu talagalay cayilinta xoolaha, kordhinta wax-soo-saarka caanaha, iyo dhaqashada digaagga.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka, warshaddu waxay leedahay awood wax-soo-saar maalinle ah oo gaareysa 5,000 oo kiintaal, taasoo wadarta sannadlaha ah ka dhigaysa ku dhowaad 1.8 milyan oo kiintaal.
Xafladda furitaanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin heer gobol iyo heer federaal ah, oo ay ka mid yihiin Wasiiru-dowlaha Beeraha ee Itoobiya, Fikru Regassa, iyo Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolaha ee DDS, Cabdiqaadir Iimaan.







